Addis Ababa (PP) ─ Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa shaaca ka qaaday in Dowladdiisu ay ka fiirsan doonto shaqsiyaadka ka tirsan Jabhadda ONLF ee ku sugan bannaanka Itoobiya.
Desalegn ayaa xusay in Xukuumada Itoobiya aysan u dul-qaadan doonin carqaladeyn dhinaca amniga. Isagoo cadeeyay inay la dagaallami doonaan koox waliba oo isku dayda inay carqaladeyso amniga dalka Itoobiya.
“Ma aqbali doono in dhexda loo xirto car-qaladeynta Ammaanka dalkeenna, mana jirto cid aan uga aamusayno, waxaana naga go’an inaan gacan bira ku dhigno kuwa ku howlan taakuleynta Argagixisada iyo kuwa cadowga ku ah dalkeenna,” ayuu yiri Desalegn.
Sidoo kale, Hailemariam Desalegn ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Itoobiya ay baari doonto kiisaska la xiriira Qalbi-dhagax iyo saraakiisha kale ONLF ee ku jira gacanta dowladda.
Hailemariam Desalegn ayaa carabka ku dhuftay in Xukuumadiisu ay qadarin siin doonto kuwa ka tirsan kooxaha argagixisada ee isku soo dhiiba dowlada, ka hor inta aan lasoo qaban.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu xusay in dowladdiisu aysan ku xadgudbi doonin dastuurka dalka, balse kiis waliba ay marin doonto waxa uu dastuurka Itoobiya ka qabo.
Ugu dambeyn, Hadalka Hailemariam Desalegn ayaa imaanaya xilli uu jiro guux siyaasadeed oo ka dhashay xariga iyo dhiibida Sargaalka Ururka ONLF C/kariin Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax].
PUNTLAND POST