Duqa Muqdisho oo Faahfaahiyay Mushaarka 1000 dhallinyarada ah oo la Shaqaaleynayo

Muqdisho (PP) ─ Waxaa Maanta Muqdisho ka furmay wajiga koowaad ee Bandhiga 1000 dhalinyarada ahaa ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ka dhawaajiyay inuu shaqo abuurka u sameynayo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa ayaa ka qayb-galay Barnaamijkan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Kaasoo lagu dajin doono qorshaha lagu shaqaaleysiinaayo dhalinyaradaas iyo hannaankii loo mari lahaa.

Dhallinyarada ka qayb-galay kulanka ayaa duqa Muqdisho waydiiyay su’aalo la xariira sida loo shaqaaleynayo dhallinyarada, mushaarka ay qaadanayaan iyo su’aallo kale.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Thaabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in 1000 dhallinyaro ee la Shaqaaleysiinayo mushaar ahaan ay u qaadan doonaan 150 doollar oo keliya.

Duqa Muqdisho ayaa intaas ku daray in dhallinyarada la shaqaaleynayo ay qabanayaan shaqooyin la xiriira bilicda caasimada, wacyi gelinta bulshada iyo shaqooyin kale oo la xiriira arrimaha bulshada.

“Ruux walba oo ka mid noqonaya shaqaalahan wuxuu mushaar u qaadan doonaa 150-dollar,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir oo intaas ku daray in mushaarkan uu bixin doono Bangiga Adduunka, uuna socon doono msharuucan muddo lix bilood ah.

Ugu dambeyn, 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir ayaa degmo walbo waxaa la siiyay 58 qof marka la isku daro tiro ahaan waxa ay gaartay 984 qof, 14 kasoo hartay waxaa loo sameynayaa qorshooyin kale oo lagu shaqaaleysiinayo sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

DHAGEYSO: CODKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHO;

PUNTLAND POST