Hogaamiyaha Isbahaysiga NASA ee Kenya oo diiday xiliga loo Qabtay Doorashada Cusub

Nairobi (PP) ─ Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ee NASA, Raila Odinga oo la hadlay warbaahinta ayaa gaashaaka ku dhuftay inay aqbalaan xilliga loo qoondeeyay in la qabto doorashada madaxweynaha ee ku celiska ah.

Odinga ayaa Talaalada maanta ah ka dhawaajiyay inaysan aqbalayn xilliga doorashada loo qoondeeyay ee 17-ka bisha Oktoobar ee soo socota, isagoo sheegay in go’aankan uusan ahayn mid ka yimid guddiga doorashooyinka Kenya, balse uu yahay qorshe uu dajiyay xisbiga talada haya ee Jubilee.

“Guddiga doorashada mucaarad ahaan nagalama tashan xilliga ay dhacayso doorashada ku celiska ah ee madaxweynaha, sidaas awgeed ma aqbalayno,” ayuu yiri Odinga oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Wilson.

“Innagu ma ogolaanayno inaan doorasho galno iyadoo aan isbedel buuxa lagu sameyn guddiga doorashada ee hadda jira, waayo waxaa cad inay ku guul-darreysteen inay si xaq ah doorashadii hore u maamulaan,” ayuu ku daray Odinga hadalkiisa.

Raila Odinga ayaa markii uu la hadlayay warbaahinta waxaa hareerihiisa ku sugnaa; madaxweyne ku xigeenkiisa Kalonzo Musyoka, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetang’ula.

“Haddii aan isbeddel buuxa lagu sameyn guddig doorashada ee doorashadii hore shaqeynayay, ma dhici karto doorashada ku celis ah, waayo waxaanu aaminsan-nahay inay dhinac u janjeeraan guddiga doorashada ee hadda,” ayuu mar kale hadalkiisa ku daray Odinga.

Sidoo kale, wuxuu dalbaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo qalabka loo isticmaalayo doorashada, isagoo sheegay inaysan jirin cadaawad ay xilligan u qabaan guddiga doorashada ee IEBC.

“Waxaan kaloo dalbanaynaa in dib u eegis lagu sameeyo cod-bixiyeyaasha Kenya, sidoo kalena diiwaan-gelintoodii hore dib loo baaro,” ayuu hadalkiisa ku daray hoggaamiyaha mucaaradka Kenya.

Ugu dambeyn, Hadalka Odinga ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalin ka hor ay guddiga doorashada waddanka Kenya ku dhawaaqeen xilliga la qabanayo doorashada ku celiska ah ee madaxweynaha oo dhawaan maxkamadda sare ee Kenya ay diiday natiijadii doorashadaas oo uu ku guuleystay Kenyatta.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID EE RAILA OMOLO ODINGA

PUNTLAND POST