BARO: Taariikhda Muslimiinta Dalka Myanmar, Tiradooda iyo Sababta loo gummaadayo

Muqdisho (PP) ─ Dalka Myanmar wuxuu ku yaallaa Koonfur-bari Aasiya, wuxuu xuduud la leeyahay wadamada Bangladesh, China, Laos iyo Thailand. Cabirkiisa dhuleed waa 676,578 KM oo laba jibaaran, waxayna isku cabbir yiiin dalka Faransiiska. Tirada shacabkiisana waa 52-milyan.

Magaca loo yaqaan waa Republic of the Myanmar, iyadoo sannadkii 1989-kii ayaa laga bedelay magaciisii hore ee ahaa Burma. Dalka Myanmar wuxuu xorriyadiisa ka qaatay Ingiriiska sannakii 1948-kii.

Caasimadiisa waa Naypyidaw, Madaxweynahooda waxaa lagu Magaaabaa Htin Kyaw, Lacagtooda waxaa loo yaqaannaa – Burmese Kyat, sidoo kalena luuqadda looga hadlo waa Burmese.

WAA KUMA ROHINGYA?

Rohingya, waa dad muslimiin ah kuwaasoo ku nool wadan dadkooda ugu badan eey yihiin BUDDIST loona yaqaan Myanmar ( BURMA)

Bulshada Rohingya-ha waxa lagu tilmaamaa iney yihiin dadka ugu badan aduunyada ee loo dhibaateeyo diin ahaan, qowmiyad ahaan, iyo siyaasad ahaan. Dadka Rohingya ee ku nool Myanmar tiradoodu waa 1.1 million, lkn tiradooda guud waa 2,229,000, luqada eey ku hadlaana waa Ruaingga loomana tixgaliyo iney ka midyihiin qowmiyadaha dalkaasi ku noo oo tiradoodu gaareeso 135 qowmiyadood. Si lamida qowmiyada Rohingya waxaa loo diidana iney qaataan dhalashada dalkaas ilaa 1982 markaasoo loo aqoonsaday iney yihiin dad aanan wadan laheyn.

HALKEE BAY KA YIMAADEEN ROHINGYA?

Muslimiinta waxa eey ku noolaayeen meesha hada loo yaqaano Myanmar ilaa qarnigii 12-aad (1,100 ilaa 1,200), taasoo laga soo xigtay taariikh yahano Rohingy ah.

Inta lagu guda jiray 124 sano ee British ku gumeysanayay Myanma(1824 – 1948) waxaa jiray tiro muhaajiriin shaqaalo ah kuwaasoo hada loo yaqaano Myanmar waxey ka soo haajireen India iyo Bangladesh, sababtoo ah maamulkii British ka ahaa ee Myanmar xukumaayay wuxuu hoos tagay India. Muslimiintii iyo dadkii ku noolaa Myanmar gumeystihii ka hor waxaa ka tiro batay dadkii soo haajiray dalkoodana waxey ka noqdeen minority.

Markay xurnimada qaateen kadib xukunka dalka wuxuu gacanta u galay dadkii usoo haajiray dalkaas waayo majority ga dalka ayaga ayaa noqdeen waxeyna isku sifeeyeen iney yihiin dadka dalkaan loogu yimid. Dowladii markaasi jirtay oo u badneed Buddist waxey u aragtay sharci daro dadkii dalkaan usoo haajiray intuu British ka gumeysanaayay waxeyna u diiday sharcigii muwaadinnimo ee wadankaas.

Buddist-yaasha dalkaasi Myanmar ka arimiya oo Muslim naceybka ka buuxo, dadka Rohingya waxey asalkoodu ku tilmaamaan iney yihiin Bengali, xaq eeyna u laheyn iney ku noolaadaan dalka Myanmar waayo waxey u diideen sharcigii muwaadinnimo, adeegii dowladeen iyo fursadihii shaqo eey xaqa u lahaayeen. Taa waxey ugu badaleen iney dalka ka baro kiciyaan, xasuuqaan, guryahana ka gubaan,

Ugu dambeyn, walaalayaal aan u duceyno walaalaheen muslimiinta ah ee ku nool Myanmar, aan la’xanuunsano, aan la’damqanno xasuuqa iyo barakicinta lagu haayo.

PUNTLAND POST