Nairobi (PP) ─ Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee Kenya [IEBC] ayaa ku dhawaaqay in 17-ka bisha October ee soo socota la qaban doono doorashada ku celiska ah ee madaxweynaha Kenya, kaddib markii ay dhawr casho ka hor ay maxkamada sare ee dalkaas amartay in markale lagu celiyo doorashada madaxnimada Kenya.
Warbixin uu guddiga IEBC soo saaray maanta ayaa lagu sheegay in; Raila Odinga oo NASA ka socda iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Jubilee ka socda oo kaliya ay u tartami doonaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay.
Jimcihii asoo dhaafay ayay maxkamadda sare ee Kenya Laashay Natiijadii doorashadii dhacday 08-dii bishii August, taasoo guddiga shaaciyeen inuu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.
Maxkamadda ayaa sheegtay in doorashadaasi lagu shubtay, isla markaasna aysan ahayn mid xalaal ahayd. Xisbiyada Kenya ayaa durba bilaabay ololaha doorashada, iyadoo uu dastuurka qabo in muddo 60 maalmood ah gudahood doorasho lagu qabto laga bilaabo maalinta ay maxkamad laasho natiijada.
Go’aanka maxkamadda Sare ee Dalka Kenya ayaa waxaa aad u bogaadiyay mucaaradka iyo qaar ka mid ah dalalka Beesha Caalamka, waxaana dhacay mudaaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo,
Dhanka kale, Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Xisbiga Jubilee ayaa go’aanka ku tilmaamay mid siyaasadaysan, haseyeeshee ay aqbaleen go’aanka.
Ugu dambeyn, Arrin si weyn loogu muransan yahay ayaa ah – cidda qaban-qaabinaysa doorashadan, Isbahaysiga NASA waxa ay qabtaa in meesha laga saaro guddiga IEBC ee hadda jira maadaamaa maxkamadda ku xukuntay in ay ku xadgudbeen mas’uuliyadooda, balse Jubilee ayaa ku adkaysanaysa in cid aan ahayn IEBC aysan doorashada qaban doonin.
PUNTLAND POST