PP (Muqdisho)- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan tilaabadii la sheegay in dowlada Soomaaliya ay dowlada Itoobiya ugu wareejisay Sarkaal Qalbi Dhagax oo ka tirsanaa ururka ONLF.
Xildhibaanada qaar ayaa qaba in ay tahay wax aad looga xumaado tilaabadaasi islamarkaasina ku tilmaamay in ay tahay mid dhabar jab ku ah qaranimada dalka Soomaaliyahalka xildhibaano kale ayaa iyana qaba in Qalbi Dhagax uu yahay Nin Itoobiyaan ah dowladana aan lagu dhaleeceeynin.
Xildhibaan Abuukaate oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada ay ku qaldaneyd go’aankaasi ay qaadatay islamarkaasina ay niyad jabisay shacabkii taageersanaa.
Dhanka kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeezoow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qaba fikir ka duwan fikirkaasi isaga oo sheegay in Qalbi Dhagax uu yahay Nin u dhashay Itoobiya islamarkaasina aanay habooneeyn in dowlada lagu dhaliilo.
Tan iyo wixii ka dambeeyay tilaabadii la sheegay in dowlada Soomaaliya ay ugu dhiibtay Itoobiya sarkaal katirsanaa ONLF oo lagu magacaabo Cabdi Kariin Qalbi Dhagax ayaa dowlada Soomaaliya waxa ay la kulmeeysay dhaliilo ka imaanayo Bulshada Soomaaliyeed.
Hoos ka dhageyso Warbixin Wariyaha PP Muqdisho Cowke.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho