Salaad Cali Jeelle” Dadku ha is Dajiyaan Dowladana Yaanay Mucaaradin Qalbi Dhagaxna Cadaalad Ha helo”

Siyaasiga Salaad Cali Jelle oo kamid ah siyaasiinta Muqdisho ahaana musharax Madaxweyne xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa ka hadlay tilaabadii dowlada Soomaaliya ay Qalbi Dhagax ugu wareejisay dowlada Itoobiya.

Salaad Cali Jelle ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aanay mucaaradin dowlada Soomaaliya oo uu sheegay in muddo yar ay shaqeeyneeyso.

” Wadanka Amnigiisa yaan la dhibaateeynin dowlada hala taageero shalay Farmaajo markii la dooranayay dadku waa ay soo dhoweeyeen madaxweynuhuna 8 Bilood uu shaqeeynayay” Ayuu yiri Salaad Cali jelle.

Dhanka kale Odoyaasha Dhaqanka Qaar kamid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa iyana arintaasi ka hadlay kuna baaqay in dowlada aan la mucaaradin.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo isna wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dadka buun buuninaya Arinta Qalbi Dhagax ay yihiin Dad Dowlada hormarkeeda nacaya.

Hoos ka Dhageyso Warbixinta Wariyaha PP ee Muqdisho Cowke.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho