Wasiir Yuusuf Garaad oo Amar dul dhigay Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibada

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaiya ayaa lagu amray Madaxda & Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha dibadda in aysan la hadlin  warbaahinta ogolaanaho la’aan.

Qoraalkan Waxaa ku Saxiixnaa Danjire Cali Maxamed Cali oo ah Xog hayaha joogtada ah ee wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya Waxaana uu Amarkaasi ka soo baxay wasiirka Arimaha Arimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Dhowaan Golaha Wasiirada Waxaa lagu amray in aanay Warbaahinta la hadli karin Amar la’aan .

Hoos ka Aqriso.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

puntland Post Muqdisho