Gudoomiyihii Al-Shabaab ugu Magacaawnaa Jubooyinka oo Duqeeyn lagu Dilay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha Dowladda mareykanka ay ka fuliyeen saldhig dagaalyahanada Al-shabaab ay ku lahaayeen inta u dhaxeysa degmooyinka  Baraawe iyo kuntu-waarey  ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeyntaas oo mareykanka uu sheegay in lagu dilay xubno ka Tirsan Al-shabaab ayaa waxaa soo baxaya in lagu dilay Cabdi Raxmaan Xudeeyfi  oo saaxiib dhow la ahaa amiirka Guud ee Xarakada Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale horey usoo noqday Gudoomiyaha Gobolada Jubooyinka ee Maamulka Al-shabaab.

Sidoo kale Abdirahman Hudeyfi oo saaxiib dhow la ahaa amiirka Guud ee Al-shabaab ee Abuu Cubeydah, ayaa sidoo kale  maamulka al-shabaab u qaabilsanaa dhanka dacwadda, in idaacadaha Al-shabaab laga baraarujiyo shacabka, inkastoo aan waligiisa uusan ogolaanin in sawir laga qaado.

Mareykanka oo qiray In duqeyntaas lagu dilay xubno ka Tirsan dagaalyahanada Al-shabaab, hadana ma uusan sheegin magacyadda iyo tiradae xubnaha Al-shababa ee duqeyntaas lagu dilay.

PUNTLAND POST