Muqdisho (PP) ─ Warbixin uu jeediyay hoggaamiyaha Al-shabaab, Sheekh Axmad Cumar Abuu-Cubeyda shalay oo ahayd maalinta koowaad ee ciiddul Adxa ayuu kaga hadlay dagaalada ay kula jiraan ciidamada Dowladda FS iyo kuwa caawinaya ee Mareykanka iyo AMISOM.
Hadalkiisan ayuu Hoggaamiyuhu uga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen; dagaallada socda, weerarkii Bariire, qorshayaasha kooxda u hor-kacayo iyo kuwo kale oo fara badan.
“Fara-gelinta uu Mareykanku ku hayo Soomaaliya waxay gaartay heerkii ugu sareeysay taariikhda, taasoo halis ku ah jiritaanka ummaddaan iyo madax-banaanideeda,” ayuu yiri Abuu-Cubeydah oo intaas ku daray. “Mareykanka inuu saldhigyo ka sameystay Somalia, uuna soo dhisay ciidammo calooshood u shaqeystayaal ah oo uu isaga si toos ah u maamulo iyo maamulo kale oo daba-dhilifyo ah oo siyaasadoodu ku dhisan tahay marin-habaabinta dadka Soomaaliyeed, boobka kheyraaka iyo dhagridda unmadda Muslimka ah si ay Ummadda ugu hoggaamiyaan dhabbe mugdi ah oo ugu dambeyn dhaxalsiin doona diin la’aan, damiir-xumo, faqri, jahli, qabyaalad, kala qoqobnaan iyo hurinta dagaal xuduudeed aan dhamaan.”
AMISOM Maxay Ka Dhaxashay hawlgalladeeda socda 10-ka sano?
Mar uu soo hadal qaaday hawl-gallada ciidamada AMISOM ee galay sanadkii 10-aad ayuu yiri. “Waxaa inoo muuqanaya Allaah fadligiisa inay ahdaaftii loo soo igmaday AMISOM ee ahaa burburinta ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo ciribtirka Al-shabaab ay ku hungoobeen una suuro-geli weysay.”
“Duullaanku wuxuu dhaxalsiiyay hoog iyo halaag joogta ah, wuxuuna soo if-bixiyey kala duwanaanta ahdaaftooda siyaasadeed iyo damacooda. Dhanka kalena wuxuu Allaah tacabkoodii ka dhigay mid khasaaray,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas raaciyay. “Hawl-galka AMISOM wuxuu dhanka kale muujiyay tabardarrida ciidamadooda iyo aragti-xumada Hoggaankooda siyaasadeed, waxaa dhammaan burburay haybaddii ay sheeganayeen kuna faanayeen, waxaa hareeraha waddooyinka daadsan haraadigii gawaarida gaashaamanaa oo ay miinadu gaashaan tirtay, intaasna waxaa sii dheer muuqaalada maydadka ciidankooda, burburka gaadiidkooda, baroorta maxaabiistooda iyo eheladii ay ka dhasheen iyo weliba beenta madaxdooda ee buux-dhaafshay shabakadaha Internet-ka iyo waxay ugu yeeraan baraha bulshada.”
Caga-jugleynta lagu hayo ganacsatada Muqdisho.
Hoggaamiyaha kooxda Al-shababa ayaa sidoo kale ka hadlay caga-jugleyn uu sheegay in lagu hayo ganacsatada Muqdisho, wuxuuna hadalkiisaan ku yiri. “Tobankaas sano ee ay AMISOM ay dalka joogeen waxay dalka ugu sugnaayeen deegaano oo Muqdisho ay ka mid tahay. Muqdisho waxay la noolaatay dulmi iyo dar-xumo midkii ugu xumaa. Waxaa reer Muqdisho loo gacan-geliyay shirkado shisheeye kuwaasoo la wareegay ammaanka iyo dhaqaalaha. Xaalku wuxuu maanta marayaa in maamulka dowladda uu u soo jeestay sidii uu ganacsatada reer Muqdisho ugala wareegi lahaa hantidooda ma guurtada ah, iyagoo marmarsiiyo uga dhiganaya tagitaanka ganacsatadu ay tagaan deegaanada Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin goobaha ay Al-shabaab ka taliso. Bal u fiirsada daba-dhilifnimada gaamurtay ee gaalo-raacyadu heerka ay gaartay iyo taagdarida siyaasadeed iyo tan maamul ee ay naftu baday.”
Xasuuqii Mareykanka Uu Ka Geystay Bariire.
Mar uu soo hadal qaaday xasuuqii Mareykanku ka geystay Tuulada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayuu yiri. “Waxaan rabaa inaan halkan tacsi uga diro ehelladii iyo qoysaskii ay ka tageen dadkii Mareykanka ay ku xasuuqeen bishan aan ku jirno ee dul-xijjah deegaanka Bariire. Xasuuqaan loo bareeray waxaa lagu dilay 10-ka mid ah dad deegaanka aad looga yaqiin, Waxaana ka mid ahaa dadka la laayay carruur iyo ganacsato beeraley ah, kuwaasoo ku sugnaa beerahooda xilliga Mareykanku ay laaynayeen.”
“Waxaa is-dul-taag inaga mudan xaaladda ay dadkaani ku sugnaayeen inta uusan Mareykanku qabsan deegaanka Bariire. Dadkaas waxay la noolaayeen eheladooda, waxay haysteen Ammaan iyo nabad, waxay si xuriyad ah ugu ganacsanayeen gudaha deegaannadooda iyo kuwa kale iyagoo aan cabsi ka qabin in lagu xad-gudbo naftooda, maalkooda iyo cir-digooda. Duullaankii Mareykanku horkacayey ee lagu qabsaday Bariire wuxuu horseeday in laga barakaco deegaanadaas, intii hartayna la xasuuqo, beerahooda iyo guryahoodana la gubo waxay dhacdadaas iyo dhacdooyinka la mid ah ee ka dhacay Somalia marqaati u yihiin cadaawada gaaladu u heysoUmaddan iyo dullinimada ay la damacsan yihiin,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Siyaasadda cusub ee Donald Trump;
Mar uu ka hadlayay Xeerarka ammaan ee dhawaan saxiixay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kuwaasoo dhanka ka ah Dalalka Muslimiinta ah ayuu yiri. “Duqeymaha Mareykanku la beegsado goobaha rayadka ayaa ah kuwa aanan ku cusbeyn dunida Muslimka ah, waana duqeymo ula kac ah oo uu caadeystay inta la ogyahay taariikhda. Duqeymahan arxan-darada ah ee Mareykanka iyo xulufadiisu ku hayaan muslimiinta ayaan ahayn kuwo intaan ku ekaan doona. Waxaana la wada ogsoon yahay go’aanadii foosha-xumaa iyo xeerarkii Amni ee Trump saxiixay markuu xilka la wareegay. Xeerarkaas oo laamaha millateriga iyo Sirdoonka Mareykanka u ogolaanaya inay layaan Ummaddeena muslimka ah. Siyaasadan cusub ee Mareykanku qaatay ayaa u aqoonsaneysa Soomaaliya inay tahay goob dagaal, hadaf ka reeban beegsigoodana uusan jirin gaar ahaan haddii dadka la beegsanayo ay yihiin Muslimiin.”
“Reer Muqdisho waa inay ogaadaan Mareykanku inuu ku jiro Aar-goosi Salka ku hayo jabkii ka gaaray Soomaaliya, Wuxuuna u hammuun qabaa xasuuqa Ummaddan, waxaana deeqi waayey kumanaankii ay diyaaradihiisu ku laayeen xaafadaha Muqdisho. Reer Muqdisho waxaan leenahay waan idin la dareemeynaa culeyska la idinku hayo, waxa loo dan leeyahayna waa in la idiin gumeeyo ee gunta dhiisha isaga dhiga, Allaah gargaar weydiista.”
Ugu dambeynn, Ururka Al-shabaab ayuu ugu baaqay inay xoojiyana dagaalka ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia oo uu sheegay inay doonayaan inay ka hortagaan in dalka lagu xukumo sharciga Islaamka.
PUNTLAND POST