Addis Ababa (PP) ─ Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in dowladda federaalka Somalia ay u soo gacan-galisay sarkaal ka tirsanaa Ururka ONLF, kaasoo toddobaadkii hore lagu qabtay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo.
Wasiirka Warbaahitna Dalka Itoobiya, Negeri Lencho ayaa wareysi uu siiyay VOA-da qaybteeda Amxaariga ku sheegay in Dowladda Somalia ay u soo gacan-galisay C/kariim Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax] oo ka tirsanaa Ururka ONLF ee ka dagaalama Itoobiya.
“Waxaan kuu xaqijiyay in Itoobiya lagu soo wareejiyay sarkaal sare oo ONLF ka tirsan waxaana tani ay ku dhacday heshiis nagala dhaxeeya Xukuumadda Somalia. Sarkaalkan wuxuu ka tirsan yahay ONLF oo ah urur argagixiso ah,” ayuu yiri Wasiirka.
Jabhadda ONLF ayaa shalay warbaahinta u sheegtay in C/kariin Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururkooda lagu wareejiyay xukuumadda Itoobiya, iyadoo mid ka mid ah saraakiisha ururkan uu sheegay in Dowladda Somalia ay todobaadkii hore ku qabtay Qalbi-dhagax magaalada Gaalkacyo oo ay toos ugu wareejisay sirdoonka Itoobiya.
Madaxda Dowladda Somalia ayaa xalay wax laga weydiiyay arrintaan, iyagoo ku tilmaamay mid xasaasi ah oo waqtigeeda ay ka hadli doonaan, iyagoo ka meer-meeray inay si toos ah uga hadlaan u gacan-gelinta Qalbi-dhagax ee Dowladda Itoobiya.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxaa si weyn uga carooday qaar badan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo shacabku ay rajeynayeen inaysan falkan oo kale ku kicayn dowladda uu hoggaaminayo Farmaajo, Laakiin wixii laga baqayay ayaa dhacay, lamana oga sida looga fal-celin doono.
PUNTLAND POST