RA’IISUL WASAARAHA: Waxaan dhawaan degi doonaa mid ka mid ah degmooyinka Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhawaajiyay inuu billaabi doono hawl Ra’iisul Wasaarayaashii hore aysan ku dhaqaaqin oo ah inuu ka guurayo Madaxtooyada oo uu degi doono mid ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Xasan Khayre oo xalay si toos ah su’aalo looga weydiinayay barnaamijka kulanka saxaafadda iyo Xukuumadda ayaa la weydiiyay su’aal aheyd inuu shacabka soo dhex geli doono.

Sidoo kale, Kheyre ayaa tilmaamay in uu diyaari u yahay inuu shacabka soo dhex-galo, isla markaana marka laga baxo Ciida muddo bil gudahood la dhisi doono Guri Ra’iisul Wasaaraha degi doono oo ka baxsan Madaxtooyada.

“Haddii Alle idmo, marka laga baxo ciidda muddo bil gudahood waxaa u degi doonaa mid ka mid ah degmooyinka Muqdisho, taasna waa tallaabooyin aan horay loogu arag madxdii iga horreysay,“ ayuu yiri Khayre oo hadalkiisa ku daray. ”Shacabka ayaan dhex-geli donaa, aniga iyo Wasiiradeyda kama naf-wanaagsanin shacabka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hadalkiisa daba-dhigay Muqdisho inaysan ku ekeyn waddada Maka Al-Mukarama, balse ay ballaaran oo laga degi karo meeshii la doono.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa tan iyo markii la magacaabay bishii Feberaayo ee Sannadkan deggenaa Guriga Martida Madaxtooyada oo loo yaqaan Villa Uganda, halkaasoo xafiis u ahayd, Waxaana xafiiskiisa iyo kan Madaxweynaha ay isu jireen wax ka yar illaa 200 oo mitir.

Ugu dambeyn, Haddii Ra’iisul Wasaaraha uu ka dhabeeyo ballan-qaadkiisa ah inuu ka guurayo madaxtooyada ayaa waxay noqonaysaa tallaabadii ugu horreysay oo uu ku dhaqaaqo ra’iisul wasaaraha cusub, isagoo bedeli doona fikirkii kuwii isaga ka horreeyay.

PUNTLAND POST