Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xalay Muqdisho kaga qeybgalay isaga iy golihiisa wasiirada kulan su’aalo lagu weeydiinayay ayaa waxaa wax laga weeydiiyay arimo la xariira wada hadaladii ay la qaateen Abuu Mansuur.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn sheegay in dowlada ay ku faraxsantahay in Abuu Mansuur uu isku soo dhiibo dowlada Soomaaliya waxaana uu sheegay in ay ka shaqeyeen in Rooboow dowlada uu isku soo dhiibo muwaadiiniin Soomaaliyeed oo aanay shaqo ku laheyn Ajaabiin.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in Abuu Mansuur ay ka wada hadleen arimo kala duwan oo ay kamid tahay sidii Abuu Mansuur uu dowlada Soomaaliya uga caawin lahaa dhinacyada Amniga dalka.
Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaarahu in sidoo kale ay xog badan ka heleyaan Abuu Mansuur oo ku aadan Kooxdii uu ka tirsanaa ee Al-Shabaab.
Dhowaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay shir u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo Abuu Mansuur waxaana dowlada kulankaasi u matalayay Ra’iisul wasaare Kheyre.
Abuu Mansuur ayaa lagu wadaa in uu dhowaan ku laabto magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool halkaasi uu ka bilaabayo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab .
Hoos ka Dhageyso Codka .
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho