Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Cabdulaahi Sanba loolshe ayaa wax laga weeydiiyay warar soo baxaya oo sheegaya in sarkaal ka tirsan ONLF lagu wareejiyay Dowlada Itoobiya.
Taliyaha NISA ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin badan ka bixiyo arinta ku aadan Sarkaalkaasi lagu magacaabo Qalbi Dhagax ee lagu wareejiyay Dowlada Itoobiya.
“Arrinka la xiriira sarkaalka la sheegay in uu ONLF yahay oo Dowladdu wareejisay, sidaa la socotaanba arrinkaasi waa arrin xasaasi ah, oo ay tahay wakhtigeeda iyo goobteeda in looga jawaabo, anigoo afduubaya Dowladda, waxaan jeclaan lahaa in arrintan aysan xilligan Dowladdu ka hadlin” ayuu yiri Cabdulaahi Sanba loolshe.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowlada Soomaaliya ay sarkaalkaasi ku wareejisay dowlada wadanka Itoobiya.
Arintaasi ayaa waxaa ka soo horjeeystay qaar kamid ah shacabka, siyaasiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo go’aankaasi ku tilmaamay mid aad looga xumaado.
Hoos ka Dhageyso Codka Taliyaha NISA.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho