Cadaado (PP) ─ Maamulka Galmudug ayaa soo saaray maanta wareegto ay ku sheegeen inaan diyaaradaha gargaarka bani’aadamnimo wada ee ka soo daga garoommada Galmudug aan laga qaadi karin lacagaha canshuurta dyaaradaha.
Wareegtadan oo kasoo baxday xafiiska Wasaarada Gadiidka Cirka iyo Dhulka maamulka Galmudug, ayaa waxaa lagu xusay in gargaarka shacabka ku nool Galmudug loo wado ay mas’uuliyad ka saaran tahay maamulka.
Tallaabadan ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo maamulkaan uu qaato tan iyo markii ay abaaraha dhibaatada ba’an geystay ka dillaaceen qaybo badan Soomaaliya ah.
AKHRISO: WAREEGTADA MAAMULKA GALMUDUG

PUNTLAND POST