Madaxweyne Farmaajo: Soomaaliya kalama go’ayso, Caalamku ma ogola inay kala go’do


Muqdisho (PP) ─
Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Somalia ay tahay dad mid ah oo aan kala go’ karin, isagoo xusay in si walba oo midnimada wadanka lagu ilaalin karo uu diyaar u yahay inuu sameeyo.

Farmaajo ayaa hadalkan ka dhawaajiyay mar uu shalay shacabka qaarkood kula hadlayay baar ku yaalla Xeebto Liido ee Muqdisho, halkaasoo fantasiye uu u tagay.

“Somalia ma kala go’ayo, Caalamkana ma rabaan inay Soomaali kala go’do, dadka rasmiga ah ma rabaan in la kala go’o, waxaa ka shaqeyneynaa in la bilaabo wada hadal dhab ah sidii umadda la isugu soo dhoweyn lahaa,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in wax kasta uu u sameyn karo ilaalinta Midnimada dalka, xitaa hadii uu xilkiisa uu ku weynayo, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta inay tanaasul la yimaadaan.

“Wax walba oo lagu qanci karo xitaa haddii ay tahay in xilkeyga ku weynayo waan aqbalayaa, waayo xilkayga waxaa iiga muhiimsan midnimada Somalia, waxaana la doonayaa siyaasiyiinta inay awoodi karaan inay xilalkooda uga tanaasuli karaan midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa tusaale u soo qaatay xilligii uu ahaa Somalia ka ahaa Ra’iisul Wasaare oo uu mar dambe iska casilay. Wuxuuna yiri. “Anigoo Ra’iisul Wasaare ah ayaan ka tanaasulay, haddana waa i kan, shalay markii aan meesha  ka baxayay dad baa waxay lahaayeen maxaa uga baxaysaa ku dhimo, taasna waa dhaqankii la yaqaanay.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha hadalkiisa wuxuu ahaa fariin maamullada ka jira dalka ku socotay, iyadoo la og yahay in maamulka Somaliland uu horay ugu dhawaaqay inay ka go’een Somalia inteeda kale, ayna yihiin dal madax banaan.

PUNTLAND POST