Cusoble:- “Farmaajo iyo kheyre ayaa Jowhar qabsaday, Beledweyne ayaa xarun noo ah”

Madaxweynihii Xilka laga qaaday ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo safar aan horay loo sii shaacin ku tagay Magaaladda Beledweyne ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle ay fowdo ku wado dowlada dhexe ee Soomaaliya waxaana uu sheegay in maamulka Hirshabeelle uu ku shaqeyn doono magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cali Cosoble ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ay si xoog ah ugula wareegeen waa siduu hadalka u dhigee magaaladda jowhar, islamarkaana wixii xiligaan ka dambeeya uu ka shaqeyn doono magaaladda Beledweyne.

Madaxweynihii Xilka laga qaaday ee Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa wali ku adkeysanaya in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Maamulka Hirshabeelle wuxuuna meesha ka saaray go’aankii dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo xildhibaanada Baarlamanaka maamulkaas ay xilka kaga qaadeen.

Hoos ka Dhageyso Codka 

PUNTLAND POST