Ugu yaraan laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Kenya ayaa la dilay markii la la eegtay qarax Miino oo la dhigay wadada dhinaceeda magaalada Damasa Lafey ee Mandheera, saddex kale na waa ay ku dhaawacmay qaraxa.
Shaqaalaha ammaanka ee degaanka ayaa sheegay in dagaalyahanada Al-shabaab ay qaraxa ku aaseen wadadda dhinaceeda.
Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay goobaha caafimaad ee magaaladda mandheere ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.
Iskuduwaha gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saleh ayaa sheegay in uusan helin faahfaahin buuxda ee dhacdada qaraxa la xiriirta, balse ay dib kasoo gudbin doonaan wixii kasoo kordha qaraxa ka dhacay magaalada Damasa Lafey.
In ka badan 50 shaqaale ammaan ah ayaa hadda lagu dilay weerarro kala duwan oo ka dhacay gobalka tan iyo May 2017. Weerarrada waxaa soo qaaday dagaalyahannada Al-Shabaab.
Bishii Agoosto 15keedii, shan askari oo Bilays ah ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Waddada Bodhai-Ijara, Magaaladda Gaarisa.
Kow iyo toban ka mid ah saraakiisha ammaanka ayaa lagu dilay Degmooyinka Mandheera iyo Gaarisa inta u dhaxaysay May 22 ilaa May 25-keedii saddex weerar oo kala duwan,toban kale ayaa lagu dilay Baure, Gobolka Lamu laba weerar oo kala duwan.
PUNTLAND POST