Daadadkii ku dhuftay Dalka Sierra Leone oo sababay dhimashada in ka badan 1,000 ruux

Freetown (PP) ─ In ka badan 1,000 qof ayaa ku dhintay daadad iyo dhiiqo is-wata oo ku dhuftay caasimadda Sierra Leone ee Freetown, muddo hadda laga joogo laba toddobaad, sida ay sheegeen hoggaamiyeyaal maxalli ah iyo saraakiisha xukuumadda.

Xukuumadda Freetown ayaa horay u sheegtay in dadka ku dhintay roobabka daadadka watay ay yihiin 450-qof, balse ay jiraan dad ka badan 600 oo weli aan gacan lagu hayn raq iyo ruuxba.

“In ka badan 1,000 qof ayay la tageen musiibadan, welina illaa hadda lama garanayo tirada dadka waxyeelladu gaartay,” ayay Warbaahinta u sheegtay Elenoroh Jokomie Metzger oo ah haweeney ka mid ah dadka ku nool xaafad lagu magacaabo Regent oo ku taalla dulleedka Freetown.

Boqolaal qof ayaa la aasay illaa hadda, iyadoo weli ay socdaan dadaalka lagu doonayo in lagu aaso kuwa dhintay, waxaaba barbar socda dadaallada lagu badi-goobayo dadka weli la la’yahay.

“Dadka aan hadda u barooranayno waxay gaarayaa ilaa 1,000 qof. Waxaana weli dhismayaasha hoostooda ku jira dad badan oo dadkeenna ah. Tani waa mid ka mid ah musiibooyinka dabiiciga ah oo aanan cidna ku eedeyn karin,” ayuu yiri Emeritus Arnold Temple oo ka mid ah wadaadada masiixiyiinta ah oo warbaahinta la hadlay.

Marwada koowaad ee Sierra Leone Sia Koroma oo iyaduna warbaahinta la hadashay ayaa waxay tiri. “Waxaan is-garab-taagayaa kuwa ehelladoodii ku waayay musiibada ka dhacday dalkeenna. Waana dhacdo dhibaatooyinka na soo maray aan ku baranayno. Waxayna dowladda u horseedaysaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga qaadato arrintaan tallaabooyin aanu uga hor-tagi karno, haddi ay mar kale soo laabato.”

Ugu dambeyn, Kumannaan kun oo qof ayaa laga raray goobihii uu daadku ku dhuftay. Haya’daha gargaarka ayaa iyaguna bixinaya gargaar, kuwaasoo ay ka mid yihiin biyo nadiif ah, cunno, adeegyo caafimaad iyo teendhooyin la gabbaadsado.

PUNTLAND POST