Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dib u eegis ku sameynayso Tayada Jaamacadaha

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Waxbarashada Somalia Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in dib u eegis ballaaran lagu sameynayo gabi ahaan jaamadaha ku yaalla dalka, isagoo xusay in Muqdisho oo keliya ay iminka ku yaallaan kontomeeyo Jaamacadood, maalin walbana ay tiradu ay kor u sii socoto.

C/raxmaan Cismaan ayaa intaas ku daray in qaar ka mid ah Jaamacadahan aysan gaarsiisnayn heerkii looga baahnaa Jaamacad, sidaa awgeedna ay dib -u-eegis lagu samenayaan tayada Waxbarashada ay jaamacadaha dalka ku yaalla bixiyaan.

“Muqdisho oo kaliya waxaa ku yaala kontomeeyo Jaamacadood, kuwaasoo sida dadka qaar ay noo sheegeen aan lahayn tayadii looga baahnaa inay yeelato Jaamacad, tanina waa tan keentay inaynu dajino siyaasad dib loogu eegayo tayada waxbarashada,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Somalia.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in mar horeba la mariyay gollaha wasiirada sharcigii Waxbarashada Waddanka oo sugaya oo kaliya in uu baarlamaanku ansixiyo, kaasoo wax weyn ka tari doona sida uu hadalka u dhigay tayeeynta hanaanka waxbarasho ee dalka.

“Waxaanu doonaynaa inaan sameyno hannaan waxbarasho oo heer caalami ah oo looga baahan doono Jaamacaduhu inay soo maraan – si ay aqoonsi u helaan. Hannaankaas oo noqon doona kan ugu yar oo looga baahan doono Jaamcaduhu inay soo buuxiyaan sharuudaha, Jaamacaddii aan sharuudahan kasoo bixin lama aqoonsan doono Ardeyga ka soo baxana waa sidoo kale,’’ ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.

Ugu dambeyn, Tan iyo burburkii Somalia wixii ka dambeeyay waxaa Dalka Soomaaliya ku soo badanayay Jaamacadaha gaarka loo leeyahay, kuwaas oo ay wax ka bartaan kumaan Arday Soomaaliyeed kuwo kalena ay horay uga baxeen.

PUNTLAND POST