
Hargeysa (PP) ─ Yusur Abraar oo ahayd guddoomiyihii bangiga dhexe ee Dowladdii Federaalka Somalia ee uu horkacayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si lama filaan ah uga dagtay magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Yusuf Abraar oo ka timid Marekanka ayaa lagu arkay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa toddobaadkii hore, inkastoo aan la ogeyn ujeedka socdaalka ay ku tagtay magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, Ilo-wareedyo ku dhaw Abraar ayaa warbaahinta u sheegay inay ka heshay cafis madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ka hor intii aysan ka deign xarunta Somaliland.
Abaraar ayaan la ogeyn inay ka laabatay go’aankeedii Somali-weyn ama in Somalia ay mid tahay, iyadoo haatan u muuqata inay go’aansatay inay la safato maamulka goonida isku taagay ee uu hoggaaminayo Siilaanyo.
Dhanka kale, Abraar ayaa lagu wadaa inay shacabka la hadasho, iyadoo ka caddeynaysa halkaas mowqifkeeda ku aaddan gooni-isku-taaga Somaliland, oo mas’uuliyiin horay sidan oo kale uga tagay dowladda federaalka ay kaga dhawaaqeen Hargeysa inay ayideen go’aanka Somaliland.
Sida la ogyahay Dastuurka Somaliland ayaa qaba in mas’uul jago sare kasoo qabtay Dowladda Soomaaliya, inaysan tegi karin Hargeysa illaa madaxda ay ka helayaan cafis, isla markaana ay go’aankoodii hore ka laabanayaan.
Ugu dambeyn, Yusur Abraar ayaa muddo lix isbuuc ah ahayd guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya sannadkii 2013-kii. Iyadoo iscasilaad dhaqso ah u gudbisay Madaxweynihii xilligaas Xasan Sheekh, taasoo ay ku sheegtay inay u hanjabeen xubno ku dhaw madaxweynaha.
PUNTLAND POST