Dibad Baxyo Looga soo Horjeedo Duqeynta Bariire oo ka socdo Duleedka Muqdisho

Xili Shalay Diyaarado Dagaal ay duqeyn u geysteen dad Rayid ahaa oo ku sugnaa deegaanka Bariireey ee Gobolka Sh/hoose islamarkaasina meydkooda lagu soo bandigay Muqdisho ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay Shirar iyo dibad baxyo arintaasi loogu soo horjeedo.

Shir ay ka qeybgaleen Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaanada dadkaasi la laayay ayaa looga hadlay arintaasi.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay odoyaal dhaqmeed iyo qaar kamid ah ehelada dadkaasi la laayay.

Cabdulaahi Cismaan oo kamid ah ehelada dadkaasi la dilay ayaa PUNTLAND POST u sheegay in kulaankaasi dowlada ay ugu dirayeen in ay jawaab ka bixiyaan.

Dhanka kale dibad baxyo balaaran oo arintaasi looga soo horjeedo ayaa ka soconayo duleedka Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dadweyne badan oo wata boorar iyo calaamado ay ugu soo horjeedaan Dowlada Mareykanka ayaa isku xiray Muqdisho iyo Afgooye.

Hoos ka dhageyso Warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho Cowke uu ka diyaariyay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho