Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa tacsi u direy Eheladda dadkii lagu laayay deegaanka Bariiire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Madaxweynaha oo soo dhigay Qoraal aalada Bulshada ay kuwada xiriirto ayaa sheegay inuu ka tacsiyeynayo dadka lagu laayey weerarkaas ka dhacay subaxnimadii hore ee shalay deegaanka Bariire.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya baaritaan dhab ah ku sameyn doonto wixii dhacay iyo qaabka ay u dhaceyn, islamarkaana ay tahay wax aad loogu xumaado in shacab masaakiin lagu xasuuqay goob ay ku sugnaayeen.
PUNTLAND POST