Hargeysa (PP) ─ Somaliland ayaa digniino kala duwan u jeediyay dhamaan siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulkeeda ee xilalka u raadsanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Siyaasiyiintan ay ula dhaqmi doonaan si adag maadaama ay sharafkooda ka doorbideen dhaqaale ay u raadsadan Muqdisho. Wuxuuna wasiirka dibada ee Somaliland, Sacad Cali Shire uu sheegay in digniintooda ay ku ku socoto kuwa xilalka loo magacaabay iyo kuwa xilal sugayaasha ah.
”Anagu nama matalo Siyaasiga xilka kasoo qabtay Somaliland ee markii laga qaaday xil u doontay Magaalada Muqdisho xil kale, waayo wuxuu dhaqaale ku bedeshay sharaftiisii iyo tii dalkiisa,” ayuu yiri Sacad Cali Shire.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. ”Siyaasiga noocaa ah dagaal ayaan la geli doonnaa, mana nagu soo laaban doono maadaama uu ka weecday sharcigii noo dhignaa.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa sheegay inay sii kordhayaan tirada siyaasiyiinta u goosanaya Muqdisho, wuxuuna sababta ugu weyn ku sheegay dhaqaale raadis.
Ugu dambeyn, Haddalka Wasiirka Arrimaha Dibadd ayaa kusoo beegmaaya xilli Dowladda Federaalka Somalia ay xilal wanaagsan ku soorto Siyaasiyiinta kasoo baqoosha deegaanada Somaliland.
PUNTLAND POST