Kulan Dhexmaray Mukhtaar Rooboow iyo Xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur-galbeed

Muqdisho (PP) ─ Kulan qaas ah ayaa wuxuu xalay Muqdisho ku dhexmaray Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay maamulka Koonfur-galbeed iyo Mukhtaar Roobow [Abuu Mansuur] oo dhawaan kasoo goostay Kooxda Al-shabaab.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa ka dhacay Hoteel Royal oo ku dhaw Xarunta Nabadsugida Qaranka. Waxaana kulanka diiradda lagu saaray suuro-galnimada in wadaadku uu Al-shabaab kasoo dhexsaaro dhalinyarada kasoo jeeda deegaannada Koonfur-galbeed ee loo adeegsado weerarrada uu dhiigga badan ku daato.

Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa wadatashiyo ay xildhibaanadu la yeesheen Rooboow oo hadda wadahadal kula jira Dowladda Federaalka si loosoo gunaanado wadahadalka qabyada ah.

Xildhibaannada oo ay soo dirsatay Dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in wadaadka ay kala hadlayaan qodobo uu ka biya diidan yahay kuwaasoo ku xeeran dhanka amniga, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay in Rooboow uu aqbalo si uu u helo xoriyad taam ah.

Rooboow Abuu-Mansuur ayaa xildhibaanada u dulmaray Qodobada uu diidan yahay iyo sababta uu ku diiday, si la isu-barbar-dhigo ciladaha uu tabanaayo wadaadka iyo qorshaha ay ka damacsan tahay Dowladda.

Sidoo kale, Xildhibaan qeyb ka ahaa kulankan ayaa sheegay in Rooboow iyo madaxda Dowladda qodobada ay isku hayaan ay ka mid yihiin; in ciidankiisii oo hadda ku sugan gobolka Bakool ay ka mid noqdan Ciidanka Dowadda FS iyo in isaga xil muhiim ah looga magacaabo dowladda dhexe.

Dhanka kale, Xildhibaannada ayaa Mukhtaar Roobow ku qanciyay Qodobada Qaar, waxaana lagu wadaa in laga gudbo qodobada uu aqbalay Rooboow, si loosoo af-jaro Wadahadalada socda.

Ugu dambeyn, Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Mukhtaar Rooboow u adeegsaneysa mas’uuliyiinta kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee xilalka ka haya Dowlada Federaalka.

PUNTLAND POST