Cadaado (PP) ─ Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf], ayaa ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada, waxaana xubnahan ka dhexmuuqda wasiirro horay uga tirsanaa xukuumaddi madaxweynihii ka horreeyay.
Wasiirrada cusub ee Galmudug ayaa waxay ka kooban yihiin; 22 wasiir, 22 wasiir-ku-xigeen iyo siddeed Wasiiru-dawle.
Sidoo kale, Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug inay Meel-mariyaan golihiisa Wasiirrada oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo tayo leh.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha maamulka Galmudug Xaaf ayaa shalay ka codsaday Baarlamaanka inay ansixiyaan in wasiiradii hore sii shaqeeyaan, hase ahaatee Xildhibaanada ayaa ka soo horjeestay.
AKHRISO; MAGACYADA GOLAHA WASIIRRADA GALMUDUG;

PUNTLAND POST