Xukuumadda Kenya oo ugu baaqday shacabka Boni inay halkaas uga baxaan muddo kooban

Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay Duqeymo ka bilaabeyso dhulka kaynta badan ee Boni ee ka tirsan Lamu, halkaasoo ay ku nool yihiin dagaal-yahano ka tirsna Al-shabaab.

Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in ciidamada KDF ay qorsheeyay inay duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyaan dhulka keynta ah ee Boni ee Kenya, halkaas oo la aaminsan yahay in Al-shabaab, ayna weerarro ka maleegaan.

Sidoo kale, Sarkaal war-fidiyeenka kula hadlay deegaanka Lamu ayaa ugu baaqay shacabka Boni ku nool inay ka fogaadaan goobaha duqeymaha laga fulin doono, gaar ahaan dhulka kaynta ah.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in shacabka laga doonayo inay 48-saac uga baxaan deegaankaas, wuxuuna hadalkiisa ku daray in ciddii amrkaan fulin ay ula dhaqmi doonaan sida kooxaha argagaxisada ah.

Deegaanka Boni ayaa ayaa ku nool dad badan oo xoolo-dhaqato ah, kuwaas oo maalin walba xoolahooda ugu raadsadaan gudaha Keynta, iyadoo marar badan saraakiishaammaanka ay uga digeen in goobahaas aan la tagin.

Dhanka kale, Madaxa hawl-gallada deegaanka Lamu ayaa xusay in dhibaato iyo handadaad dhanka amniga ah ku hayaan Al-shabaab shacabka ku nool deegaanka xeebta Kenya ku yaalla ee Lamu.

Ugu dambeyn, Shacabkii horay uga barakacay weerarada kusoo noq-noqday deegaankaas ayaa dhankooda waxaa loogu baaqay inay kusii sugnaadaan xeryaha inta dowladda Kenya ay ka xaqiijinayso amniga deegaankaas.

PUNTLAND POST