Madaxweynaha Khaatumo oo si adag uga hadlay dagaalkii ka dhacay Buuhoodle

Buuhoodle (PP) ─ Xaaladda degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa daggan maanta sida ay dadka deegaanka inoo sheegeen, iyadoo ciidamadii shalay ku dagaallamay ayaa xalay kawada baxeen Magaalada, waxaana wali taagan cabsi in mar kale uu dagaal dib u qarxo.

Waxgaradka Buuhoodle ayaa wada dhex-dhaxaadinta kooxihii shalay uu ku dhexmaray degmadaas dagaalka oo kala taageersanaa maamulka khaatuma iyo kan Somaliland.

Sidoo kale Madaxweynaha Khaartumo Cali Khaliif Galeyr ayaa xusay inaysan wanaagsanayn in beelaha daggan Buuhoodle ay is-dilaan, isla markaana loo baahan yahay in xabadda la joojiyo.

Buuhoodle ayaa waxaa weli ka socda barakac ay shacabku uga cararayaan degmadaas, maadaama wali laga dareemaayo xiisad colaadeed. Waxaana ku dhintay dagaalkii shalay dhacay ugu yaraan toban qof iyadoo tiro intaas ka bandanna a ku dhaawacmeen.

Haddaba DHAGEYSO hadalka Cali Khaliif Galeydh;

 

PUNTLAND POST