Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in ujeeddada iyo hadafkii laga lahaa nidaamka Federaalka uu ku socdo meel qaldan, isagoo tilmaamay in awoodaha Dowladda dhexe iyo middii maamul-goboleedyada dalka ay noqdeen kuwo isku mid ah oo aan la garanayn.
Mudane Dalxa oo Muqdisho kula hadlayay Warbaahinta ayaa tilmaamay in maamul-goboleedyada ay lasoo baxeen awood la mid ah middii Dowladda Dhexe, iyadoo Dowladihii ay rabaan heshiis la geli karaan, kuwii ay doonaan xiriirka u jari kara.
“Federaalka micnaha iyo ujeeddada laga lahaa meel ka baxsan ayuu xilligan ku socdaa, maanta awooddii Dowladda Dhexe ee dalka iyo middii Maamul-goboleedyada kuwo siman ayay u muuqdaan, haddii Dowlad kale xiriir la yeelan karto ama xiriirka u goyn karto maamul goboleedyada awood la mid noqoneysa Dowladda Dhexe soo ma noqoneyso,” ayuu yiri Mudane Dalxa.
Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka ah inay af-cad kula hadasho Dowladaha fara-gelinta ku haya ee ku Xad-gudbaya Qaranimada iyo madax-banaanida Waddanka.
“Dowladaha Xadg-udubka ku sameynaya ee u soo dhacaya Qaranimada iyo Madax-bannaanida waa in Dowladda af-cad kula hadasho Caalamka, ayna tustaa inay yihiin kuwo kuwo aan doonayn inay ku dhaqmaan dastuurka dalka u yaalla, ma ahan in dowladdu ka xishooto inay hadalladaas si cad u tiraahdo” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaanka.
Ugu dambeyn, Maamul-goboleedyada Somalia ayaa dhowaan sheegay inay taageersan yihiin isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee xiriirka u jaray Qatar, iyagoo dowladda Federaalka ugu baaqay inay dib u eegto go’aankii ay ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka.
PUNTLAND POST