Shirkadda DP World oo lagu eedeeyay inaysan si habsami ah u wadin Hawlaha Dekedda Berbera

Berbera (PP) ─ Tan yo markii ay shirkadda DP World la wareegtay inay maamusho dekedda magaalada Berbera ee Somaliland ayaa waxaa kasoo baxayay ganacsatada isticmaala cabashooyin fara badan, iyagoo dacwad ka dhan ah cabashadooda u gudbiyay wasaaradda ganacsiga Somaliland.

Ganacsatada wax kala soo daga dekedda Berbera iyo shirkadaha Itoobiya oo iyaguna ganacsiyo kala soo daga dekedda, ayaa waxay sheegeen in habka hadda lagu maamulo dekedda ay ka wanaagsan tahay maamulkii hore.

Sidoo kale, Ganacsataddan ayaa sheegay in maraakiibta ku soo xirmi lahayd dekedda Qaarkood u leexdeen Dekadaha Jabuuti iyo Muqdisho kaddib markii wakhti dheer ku qaadatay rarka laga dajinayo alaabta.

Boqolaal Gaadiidka waaweyn ee rarka ah  oo laga leeyahay Dalka Itoobiya oo u joogay inay Raashinka daabulka ah ee caawimooyinka ee hay’adda WFP ka qaadaan Dekadda Berbera, ayaa cabasho ka muujiyay muddo ka badan labaatan cisho oo ay sugayeen inuu ku xirto dekadda Markabkii raashinka  siday, waxaanay sheegeen inay dib iskaga noqonayaan maadaama oo sahaydii ka go’ay waqti aanay ugu talo-galina ay joogaan.

Gaadiidkan rarka u qaada Itoobiya ayaa ka cabanaya shirkadda maamusha Dekadda Berbera ee DP World oo muddo badan ku qaadanayso in markabka ku xirma rarka laga dajiyo, isla markaana markiib badan ay dul joogaan Dekadda.

Laakiin, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Jaamac Yuusuf Axmed ayaa shirkada gaaadiidka Itoobiya ee cabanaysa u ballan-qaaday in hawshooda la dhameyn doono, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan rarka looga dajiyo markabka raashinka u sida WFP, Wuxuuna Gaadiidkaan muddada badan sugayay ku qanciyey inay 24-saac gudahood markabkaas lagu soo xiri doono Dekedda.

Sidoo kale, Hay’ada WFP ayaa kulammo la qaatay Guddoomiyaha Saaxil si arrintan cakiran uga wada hadlaan, Waxaanay isku afgarteen in raashinka bakhaarada u yaalla Hay’addan in lagu raro gaadiidka dalka Itoobiya si looga gudbo muddadaas habsanka ahayd ee dhacday.

Dhanka kae, Waxaa jira dodo kale oo oranaysa in Shirkadda DP World ay si kas ah u sameysay inuu markabku ku habsaamo Dekadda, Maadaama oo mudadda uu Markabku taagan yahay ay lacag ku dalacanayso, sidaas darteed aan si deg-deg ah alaabta looga soo dajinayn.

Wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland ayaa isku dayay inay Arrintaan furdaamiyaan, hase yeesheen way u caal waayeen kaddib markii ay shirkada maamusha dekadda isku fahmi waayeen sida wasiiraddu wax u rabaan.

Ugu dambeyn, Ganacsatada Somaliland ayaa sheegay in xilliyadii hore laba Toddodbaad alaabta markabka saaran lagu dajin jiray, laakiinse tan iyo intii shirkada DP World la wareegtay dekedda, alaabaha Maraakiibta dejintooda uu gaabis xooggan ku yimid.

PUNTLAND POST