Aalla ha u naxariistee waxaa xalay magaalada San Diego ee gobolka California ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya ahaana wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdiraxman Jamac Barre.
Geerida Cabdiraxman Jamac Barre ayaa waxaa xaqiijiyey wiilka uu adeerka u yahay Diriye Maxamed Siyad Barre oo hadda ku sugan gobolka Virginia. Marxuumka ayaa waayadan danbe xanuunsanayey.
Cadiraxman Jamac Barre ayey da,diisu aheyd 79 sano. Wuxuu xilal kasoo qabtay dowladii kacaanka, isaga oo soo noqday Ra’iisul wasaare ku xigeen, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka arrimaha dibadda.
Marxuum Cabdiraxman Jamac Barr ayaa ifka uga tagay 15 caruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
PUNTLAND POST