Muqtaar Rooboow oo Warbaahinta u soo bandhigi doono Moowqifkiisa

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socdo Diyaargaroowga soo Bandhigista Sh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo kamid ahaa masuuliyiintii Al-Shabaab.

Abuu Mansuur ayaa lagu wadaa in loo soo bandhigay warbaahinta islamarkaasina uu ka hadlo moowqifkiisa iyo isku soo dhiibidii dowlada Soomaaliya.

Warbaahinta ayaa Goordhow loo yeeray si ay goobjoog uga noqoto shirka jaraa’id oo ay dowlada Soomaaliya ku soo bandhigeeyso Abuu Mansuur.

Sh.Muqtaar Rooboow oo Abuu Mansuur oo kamid ahaa saraakiishii sare sare ee Al-Shabaab ayaa dadka ka dhursagayaan moowqifka uu qaadan doono iyo go’aanka ka soo yeeri doono.

Puntland Post isha ku haay Si aad u la socoto Wararka Deg Dega ah.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho