Gaari ay Saarnaayeen dad isku qoys ah oo Muqdisho lagu rasaaseeyay

PP-(Muqdisho) Koox hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa rasaas khasaare geysatay ku furay gaari ay la socdeen dad isku qoys ahaa.

Gaarigan ayaa marayay Isgooyska Digfeer degmada Hodan ee magaalada Muqdisho xiliga falkaasi uu qabsaday.

Koox hubeeysan oo aan lagaran ayaa gaarigii ay wateen ku horjaray, kadibna waxa ay huwiyeen rasaas taasi oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 3 qof oo isku qoys ah oo caruur iyo dad waaweeyn isugu jiro ayaa geeriyooday oo saarnaa gaariga la rasaaseeyay.

sidoo kale 5 qof uu ku jiray wadihii gaariga ayaa dhaawacmay sida ay PUNTLAND POST u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

lama oga cida ka dambeeysay falkaasi oo ah mid naxdin badan.

 

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho