Madaxweynaha Maamulka Hir Shabelle oo ay Xilka ka qaadeen Shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir Shabeele ayaa ku wajahan maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.
Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cusuble oo waayahaan dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa hadda ku wajahan magaalada Jowhar.
Dhanka kale Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka jirta xiisad ka dhalatay xil ka qaadistaasi iyada oo ay soconayaan shirar kala duwan oo arintaasi looga hadlayo.
Cali Cosoble ayaa lagu wadaa in markii uu tago Jowhar uu ka hadlo moowqifkiisa ku aadan xil ka qaadistii lagu sameeyay shalay.
Hadal heeynta Shacabka ku dhaqan Hirshabelle ayaa noqotay xil ka qaadistii Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ay ku sameeyeen Cali Cabdulaahi Cusoble.
Faah Faahinta Dib Kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post