Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Hirshabelle Mahad Xasan Cismaan ayaa sheegay in xilka qaadista ay sheegtay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabeele Canab Cabdi Ciise ay tahay mid sharci darro ah oo dastuurka Hirshabelle waafaqsanayn.
Waxa uu sheegay in hoolka la sheegay in xildhibaanada ay ku shireen uusan ahayn xaruntii baarlamaanka ee rasmiga ahayd isla markaana aan loo yeerin dhammaan xildhibaanada Hirshabeelle.
Wasiirka warfaafinta Hirshabeelle oo ka sii hadlay arrimaha ku saabsan kalsooni kala laabashada Madaxweyne Cali C/laahi Osoble ayuu sheegay in tirada xildhibaanada la sheegay inay codeeyeen ay tahay mid been ah ayna magaalada Jowhar ku sugneyn xildhibaano gaaraya 76 xildhibaan.
Kulan Xildhibaanada Hirshabeelle ku yeesheen shalay magaalada Jowhar ayaa xilka looga qaaday Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble, kaddib markii ay mooshin xil ka qaadis ka keeneen.
Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad Canab Axmed Ciise ayaa sheegtay in 68 Xildhibaan ay cod gacan taag u qaadeen xil ka qaadista Madaxweynaha, iyadoo xustay in wixii hada ka dambeeya xilka uu si KMG u heynayo Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe, inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub.
PUNTLAND POST