Boqolaal Ruux oo ku naf-waayay Daadad Xoog leh oo ku dhuftay Dalka Sierra Leone

Freetown (PP) ─ Ugu yaraan 300 qof ayaa ku geeriyooday roobab daadad wata oo ku dhuftay caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown. Iyadoo xilli ay dadka hurdayeen ay daadadku ku jabeen magaalada, kuwaasoo intooda badan ka yimid dhulka taagga ah.

Hay’adda bisha case ee dalkaas ayaa sheegtay in la helay maydadka 200 qof balse ay dhimashadu haatan caga-cageynayso 312-qof, dhaawucuna uu ka badan yahay intaas.

“Waxaan filaynaa in boqolaal qof oo dhintay ay ku jiraan burburka guryaha ay daadadku ku dhufteen,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Sierra Leone, Victor Foh oo la hadlay warbaahinta, isagoo intaas ku daray.”Waa in dadka ay musiibadu ku dhacday loo gurmado. Waayo tani waa musiibo aad u xoog badan.”

Sidoo kale, Sinneh Kamara oo ka mid ah madaxda caafimaadka Sierra Leone ayaa u sheegay warbaahinta in dad badan oo ka mid ah kuwa geeriyooday ay u dhinteen sababo gargaar la’aan ah.

“Dhibaatada ugu weyn waa goobaha caafimaadka oo aad u qaad yar iyo dadka ay musiibadu ku habsatay oo aad u tiro badan,” ayuu hadalkiisa ku daray Sinneh Kamara.

Fatmata Sesay oo ka mid ah dadka ku nool xaafaaha hoose ee magaalada Freetown ayaa warbaahinta u sheegay in saygeedii iyo saddex caruur ah oo ay dhashay ay biyuhu la tageen, kaddib markii gurigooda uu daadku dhinac kasoo galay.

Magaalada Freetown oo ah magaalo xeebeed ay ku nool yihiin dad gaaraya 1.2 milyan qof, ayaa waxaa dhawr jeer oo hore ugu dhuftay roobab watay daad culus, kuwaasoo marka ay ku dhuftaan magaaladaas sababa cudurro uu ka mid yahay daacuunka.

Ugu dambeyn, Waddooyinka caasimadda Sierra Leone ayaa la sheegay inay isku bedeleen webiyo, iyadoo cudurka ebola oo sannadkii 2014-kii dalkaas ku dhuftay uu dad ka badan 4,000 qof, inkastoo lagu guuleystay xilli dambe in la joojiyo.

PUNTLAND POST