PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

DHAGEYSO Kalsooni kala Laabashadii Madaxweynihii Maamul-goboleedka Hir-Shabeelle

Share

Muqdisho (PP) ─ Magaalada Jowhar ayaa waxaa goor-dhaw kulan uu ku yeeshay baarlamaanka Hirshabeelle xilkii looga qaday madaxweynihii Maamulkaas, Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad, kaddib eedeymo xilliyadii u dambeeyay loosoo jeedinayay.

Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle xilka uga qaaday cod gacan-taag ah, kaddib markii kulankii baarlamaanka ay soo xaadireen xildhibaannadii loo baahnaa si kulanka loo qabto.

Kalsooni kala laabashada xildhibaannada baarlamaanka Hir-sbabeelle ayaa waxaa ogolaatay 68 xildhibaan, halka ay ka aamuseen afar xildhibaan oo keliya, sida ay sheegeen guddoonka baarlamaanka maamulkaas.

Dhanka kale, Waxaa kulanka loo diiday suxufiyiinta, balse xildhibaannadii ku hoolka shirarka baarlamaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay kalsooni kala laabashada madaxweynihii HirShabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Madaxweyne ku xigeenkii HirShabeelle Cali Guud-laawe ayaa loo igmaday inuu si KMG ahaan ah u sii wado howlaha kala duwan ee maamulkaas inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha xilka laga qaaday ayaa dhawr jeer waxaa lagu eedeeyay xil gudasho la’aan, iyadoo ugu dambeyn ay shalay xilalkooda iska casileen tobaneeyo wasiirro, si ay u muujiyaan inuusan madaxweynuhu kasoo bixin hawlihii loo igmaday.

DHAGEYSO; Codka kalsooni kala laabashada Madaxweynaha HirShabeelle;

PUNTLAND POST

1 comment

  1. Madaxweynha mamulka Hirshabele Dr.Ali Abdulahi 0sabale oo hatan parlamanka hirshabele kalsonidi kala noqden,waxan huba in aay saxtahay sababto ah hada mar laga jogo bil ninkasi waxuu ku hadleyey ilama ahan nin masuul ah hadalki,waxuu yiri puntland waxan ka raba magdhow waxay dhexen dad reer hirshabele ah oo lacagtoda ayey kaga badashen lacag falso ah,nin masuul ah waxusan hubin ma ku edan kara ummada tasi wa maya,waxad karka oganaysa in uusan ahan qof mushtama masul uqadi kara,wa nin ku fifobay cadifad Qabiil arinta manta meshas dhigatay ummaada somalida wa Qayalad qofka manta xil somaliyed lo dhibo wa in uu ka dherada xumaha qabiilka,xildhibanada hirshabele waxan ka codsan laha qofka so doran donan in uu ahado qof uqalma madaxweyne Hirshabele oo Qabyalad kafog oo noqon kara masul somaliyed oo mushtamac uu masulka kayahay wax magac & mamus uso jiida wa bilahi tawafiiq.

Leave a Reply