Goordhow waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay qarax khasaare geeystay.
Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdis waxaana lagu soo xiray gaari taksiile oo ka shaqeeya garoonka islamarkaasina uu watay nin shacab ah xiliga qaraxa uu dhacayay.
Qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday oo kali ah wadihii gaariga lagu soo xiray qaraxa sida ay sheegayaan warar ay heshay Puntland Post.
Ciidamo katirsan kuwa dowlada ayaa xiray goobta qaraxa uu ka dhacay kuwaasi oo dadka iyo gaadiidkaba ka xanibay.
Faah Faahinta qaraxa dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho