Waxaa goordhow Muqdisho ka soo Degtay Diyaaradii siday Sh. Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo kamid ahaa Masuuliyiintii sar sare ee Al-Shabaab.
Diyaarada uu la socda Abuu Mansur ayaa soo caga dhigatay Garoonka Afisyooni ee Ciidamada cirka Soomaaliya.
Abuu Mansuur ayaa waxaa wehlinayay Wasiirka Gaashaandhiga, Taliye ku xigeenka NISA iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale Abuu Mansuur waxaa la socday Wiil uu dhalay oo isna la sheegay in uu kamid ahaa Al-Shabaab.
Abuu Mansuur oo ay waardiyeeynayaan gaadiidka gaashaaman ee ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaasi oo lagu wado in uu kula kulmo masuuliyiinta ugu sareeyso Dowlada Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho