Degmada Xudur ee Gobolka bakool waxaa haatan ka socda kulan u dhaxeeya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid ahaa ku xigeenada Amiirka Alshabaab, iyo wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.
Kulanka u dhaxeeya Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo sheikh Muqtaar roobow ayaa la sheegay in loogu hadlaayo sida laga yeeli lahaa Roobow, oo kamid ahaa Saraakiisha Sar sare ee dagaalyahanada Xarakada Al-shaabab, islamarkaana isku dhiibay Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya.
Shiikh Muqtaar Roobow ayaa dhawaan sheegay in uu ka baxay Al-shabaab islamarkaana tan iyo markaas waxaa jirey cadaadis uu kala kulmayay dagaalyahanada Xaraakada Al-shabaab oo dhowr jeer oo hore weerar ku qaaday deegaanka Abal ee Gobolka Bakool oo saldhig uu ka dhigtay markii uu ka baxay Al-shabaab.
PUNTLAND POST