Qarax culus oo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay tiro kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib markii ruux miino isku soo xiray uu isku qarxiyay afaafka Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Ruuxan oo waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay masjid ku yaala gudaha xabsiga, kaasoo xilligaas salaadda jimcaha lagu tukanayay, waxaana ku sugnaa saraakiil kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyay ruux loo maleynayo inuu ka tirsanaa maxaabiista xabsiga ku jira, inkastoo aanay hay’adaha amnigu ka dhawaajin in ruuxa fuliyay qaraxan uu maxbuus ahaa iyo in kale.

Ciidammo badan oo kuwa dowladda ka tirsan ayaa goobtaas gaaray, iyagoo billaabay inay baaraan sida qaraxan uu u dhacay, waxaana markiiba goobta gaaray gaadiidka gurmadka degdegga oo dhaawaqyo iyo maydad qaaday.

Dhanka kale, illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay qaraxaan mas’uul ka tahay, iyadoo aanay hay’adaha amniguna kasoo saarin wax war ah oo ku saabsan qaraxaan ismiidaaminta ah iyo khasaarihiisa.

Ugu dambeyn, Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan Qaraxyo ay ka dhacayeen Muqdisho, dowladduna ay dadaal ugu jirto sugidda ammaanka guud ee Muqdisho.

Puntlandpost kala soco wararkii kusoo kordha Qaraxaan

PUNTLAND POST