In Ka Badan 50 Muhaajiriin ay Soomaali ku Jirto oo lagu daadiyey xeebaha Yemen

Ha’ydaa Socdaalka Aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano IOM ayaa goordhow sheegtay in ka badan 50 Muhaajiriin Afrikaan ah lagu daadiyay xeebaha dalka Yemem.

IOM ayaa sheegtay in dadkaan dooni ay saarnaayeen lagu amray in ay ka dagaan xili ay gudaha badda ku jirta doonidaasi.

Dadka dhintay ayaa u badan Soomaaliya iyo Itoobiyaan sida ay sheegtay IOM  oo soo xigeeneeysay Saraakiisheeda oo ku sugan xeebaha Yemen.

Waxa ay sheegtay in meydadka 29 kamid ah dadkaasi geeriyooday lagu aasay xeebaha Yemen halka 22 kalena la la’yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Qaxooti badan oo Afrikaan ah ayaa waxa ay marin u tahay xeebaha dalka Yemen iyaga oo uga sii gudba qaar kamid ah wadamada Carabta iyaga dhibaatooyin kala duwan arimahaasi kala kulma.

Halkaan Ka Aqriso Warbixinta IOM.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho