Al-shabaab oo la wareegtay deegaan uu ku sugnaa Abuu-Mansuur Roobow

Muqdisho (PP) ─ Kaddib dagaal culus oo maanta dhexmaray ciidamada Al-shabaab iyo kuwo taabacsan wadaadka baxsadka ah ee Sh. Mukhtaar Abu-Mansuur oo dhawaanahan gooni jog ka ahaa Al-shabaab, ayaa wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dagaalka Aba lee gobolka Bakool.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Abuu-mansuur dagaalkaas looga gubay tiro gaadiid ah, sidoo kalena laga dilay ciidammo aan tiradooda la shaacinin, inkastoo Al-shabaab dhankooda uu khasaare culus gaaray.

Sidoo kale, wararka ayaa xusay in Abu-masuur ciidamadiisa laga qabsaday in ka badan todoba gaari oo ay ku jiraan kuwo aanay ciidamadu isticmaalin, sidoo kalena waxaa laga qabsaday dhaw mooto.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in Al-shabaan dhankooda tiro gaadiid ah laga qabsaday, kuwaasoo u badan kuwa dagaalka, waxaana sidoo kale laga dilay dagaalyahanno dhar ah, inkastoo aan tiradooda la sheegin.

Abu-Mansur ayaan la ogeyn illaa hadda halka ay u dhaqaaqeen, mar haddii laga qabsaday deegaankii ay gacanta ku hayeen, waxaan dagaalkan uu ku soo beegmayaa xilli xiisad ay u dhexeyso Shabaab iyo Abu-mansuur.

Ugu dambeyn, Al-shabaab kama aysan hadlin weerarka maanta ay Sheekh Abu-mansuur ku qaadeen, wuxuuna dagaalkan noqonayaa kii ugu xooganaa ee dhex-mara Al-shabaab iyo sarkaal horay uga tirsanaa kooxdaas.

PUNTLAND POST