
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay markii ugu horreysay in furaha +252 ee ay isticmaasho Soomaaliya ay gacanta ku hayaan shirkado gaar loo leeyahay, isla mrakaana aysan wasaaraddiisu awood u lahayn inay lasoo wareegto.
Wasiir Canshuur ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ku guul-darreysatay inay soo celiso furaha taleefoonka Soomaaliya, isagoo xusay in shirkaduhu ay u isticmaalaan sidii ay doonaan.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kulankii shalay uu Muqdisho ku yeeshay baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xusay inay ka wasaarad ahaan aysan awood u lahayn inay is-hortagaan isticmaalka furaha.
Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo baarlamaanka uu horyaallo sharciga isgaarsiinta dalka, wuxuuna wasiirku ka dalbaday Xildhibaanada inay si guud u ansixiyaan sharciga isgaarsiinta, taasoo uu sheegay inay u sahlayso inay adkeeyaan shuruucda isgaarsiinta dalka.
Haddaba, Dhageyso Hadalka Wasiir Cashuur;
PUNTLAND POST