Bahir Dar (PP) ─ Booliska magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya ayaa u sheegay wargeyska Addis Standard ee kasoo baxa Addis Ababa in tiro dad ah loo qab-qabtay qarax bambaano oo ka dhacay magaaladaas, balse lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaan.
Taliyaha booliiska degmadaas, Walelegn Dagnew ayaa ku eedeeyay bamka inay ka dambeeyeen kooxo uu ugu yeeray inay cadow ku yihiin ammaanka guud ee dalkaas, balse ma sheegin tirada dadka ay qaraxaas u xir-xireen.
Magaalada Bahir Dar ayaa ah xarunta gobolka Amxaarada oo ay dhawaan ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo Xukuumadda Addis Ababa, kuwaas oo ka dhashay qorshe ay dowladdu Itoobiya doonaysay inay qayb ka mid ah gobolkaas u jarto gobolka kale ee Tigree.
Sidoo kale, Dagnew ayaa sheegay in shalay la hakiyay isku socodka guud ee magaalada iyo qaybaha kale ee gobolka Amara, inkastoo uu xusya in dib loo fasaxay maanta, xaaladduna ay caadi tahay.
Sarkaalkan ayaan sheegin halka lagu weeraray bamka, balse dad ku sugan gobolkaas ayaa sheegay in lagu weeraray xarun ay dowladdu leedahay ayna ka dhasheen khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed, inkastoo aan illaa hadda la sheegin karin cadadkooda.
Ugu dambeyn, Gobollada Amara iyo Oromia ayaa waxaa ka dhashayay tan iyo sannadkii hore dibadbaxyo rabshado wata, kuwaasoo looga horjeeday xukuumadda, inkastoo dowladdu ay dhawaan sheegtay inay so oaf-jartay qalalaasihii gobolladaas ka taagnaa.
PUNTLAND POST