Dadweyne Careysan oo gaari AMISOM leedahay ku boobay bartamaha Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Shacab fara badan oo ka qayb-galayay dibadbax ay dhigayeen wadayaasha Mooto Bajaaj-ta oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa boobay mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM oo marayay is-goyska lambar afar [KM 4] ee Magaalada Muqdisho.

Shacabkan ayaa ku qamaamay gaari nooca ciidamada xambaara ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM, kaasoo la socday gaadiid kale oo la galbinayay, waxaana la sheegay in gaarigan ay cillad-gashay ka hor intii aan la boobin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed iyo ciidammo uu wato ayaa gaaray waddooyinka ay illaa saaka ka socdeen dibadbaxyada rabshadahan dhaliyay.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa waddooyinka kula hadlay kumanaankii ruux ee maanta xirtay waddooyinka ugu muhiimsan Muqdisho, isagoo u sheegay in la xallin doono dhibaatada ay qabaan, isagoo sidoo kale u ballan-qaaday in loo furi doono dhammaan waddooyinka xiran.

Dhanka kale, Guddoomiyaha oo la hadlay Wadayaashii Mooto Bajaaj-yada ee ay u xirnaayeen qaybo ka mid ah waddada Maka Al-Mukarama ayaa wuxuu ka codsaday inay joojiyaan rabshadaha, wuxuuna u ballan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xallin doono dhibaatooyinka ay ka cabanayaan.

Ugu dambeyn, Gaariga Ciidamada AMISOM ay lahaayeen ee Maanta Dadku ay ku boobeen Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay shacab ka qayb-qaadanayay dibadbaxyo ugu geystaan Muqdisho.

Daawo Sawirrada:

PUNTLAND POST