Muqdisho (PP) ─Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa u magacaabay xilka agaasimaha waaxda amniga iyo Dariseynta ee Gobolka Banaadir sarkaalad haweeney ah.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilka agaasimaha Amniga iyo dariseynta loogu magacaabay Col. Zakiya Xuseen oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Agaasimaha cusub ee Amniga iyo dariseynta Gobolka Banaadir Zakiya ayaa xilka kala wareegtay agaasimihii xilka laga qaaday Mahad Xuseen Maxamed, iyadoo xil wareejinta uu goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Gobolka Banaadir.
Col. Zakiya Xuseen oo ka tirmid Ingiriiska ayaa saddex sannadood ka hor ku biirtay ciidamada booliiska Soomaaliya, iyadoo ka tirsaneyd Qaybta Dambi-baarista ee CID, ka hor inta aysan booliiska ka shaqeyn waxay ka tirsanayd Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage.
Ugu dambeyn, Col. Zakiya Xuseen ayaa noqonaysa haweeneydii labaad oo qabata xilka Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir oo xilligaan ku socda is-bedel iyo isku shaandheyn.
PUNTLAND POST