Lampeduse (PP) ─ Xukuumada Taliyaaniga ayaa u diiday markab u kireysan hay’adda dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF oo siday muhaajiriin inuu ku xirto dekadda jasiiradda Lampedusa ee Koonfurta Talyaaniga.
Markabka ayaa la sheegay inuu doonayay in dadkaas muhaajiriinta ah uu ku daadiyo dekeddaas, laakiinse waxaa hor-joogsatay dowladda Taliyaaniga in uu ku xiro dekedda.
Go’aankan loogu diiday marakabka inuu dekedda Lampedusa ee Talyaaniga ku dajiyo ayaa qayb ka ah siyaasadda Dowladda Talyaaniga ee ka dhanka ah Qulqulka muhaajiriinta.
Sidoo kale, Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa markabkaas oo siday 127 ruux oo muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiyo, halkaasoo muddo sannado ah ahayd waddada ay muhaajiriinta kusii jeeda Yurub sii maraan.
Hay’adda MSF ayaa waxay ka mid tahay hay’adaha samafalka ka shaqeeya ee diiday inay saxiixaan xeer cusub oo ay soo saartay dowladda Talyaaniga, taasoo lagu hor-joogsanayo ququlka muhaajiriinta.
Xukuumdda Talyaaniga ayaa sheegaya in joogitaanka hay’adaha ay dhiirri-gelinayso dadka kasoo tahriibaya dalka Liibiya ee kusoo qulqulaya dalkeeda si ay ugu gudbaan waddamada kale ee Yurub.
Ugu dambeyn, Hay’adaha samafalka ayaa ku doodaya in xeerkaasi uu lid ku yahay hawl-galladooda bani’aadaniumada, waxayna xuseen inay u hoggaan-samayaan oo kaliya shuruucda caalamiga ah.
PUNTLAND POST