Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa kulankooda Goordhow ku ansixiyay miisaaniyada dowlada Sanadka 2017/2018 oo ay dowlada ku shaqeeyneeyso
Xildhibaano gaaraya 167 Xildhibaan ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda Soomaliya, halka ay diieen 2-xildhibaan, mana uusan jirin Xildhibaan ka aamusay codeynta.
Shir guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa ku dhawaaqay in Miisaaniyadda Dowladda ay tahay mid ansax ah, maadaama si aqlabiyad leh xildhibaanada ay ku meel mariyeen, islamarkaasna uu go’aankaan yahay mid waafaaqsan sharciga iyo dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qaar kamid ah Xildhibaanadda baarlamanka Soomaliya ayaa diidanaa ansixinta miisaaniyadaan Dowladda oo dadaal dheer ku bixiyey inayka hor imaadaan balse maanta ayay wasaaradda Maaliyadda ku guuleystay in loo meel mariyo sharciga maaliyadda.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho