MUQDISHO (PP) ─ Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay dacwo ka gudbiyay Wasiirka Amniga Xukuumada iyo taliyeyaasha hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dacwadan ayaa loo gudbiyay guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, taasoo ku saabsan in ciidamada amaanka ay xasaanada ka qaadan qaar ka mid ah xildhibannada baarlamaanka federaalka.
Xildhibaanada ayaa dacwadooda ku sheegay inay inay ciidamada ammaanka kala kulmaan dhibaatooyin fara badan xiliyada ay isticmaalayaan waddooyinka ay ka socdaan hawl-galada iyo kuwa kale ee mashquulku uu ka jiro.
Sidoo kale, Xildhibaanadan ayaa sheegay in loola dhaqmo si xushmad-darro ah, isla markaana bahdil loogu geysto shacabka ay metelaan, xilliyada ay ciidamadu hawlgallada ku jiraan.
Dacwada Xildhibaanada ayaa ka mid ah in qaarkood laga reebo ilaalada ay wataan, kuwaasoo aan la marin awaamiirta iyo sharciyada ay dhawaan soo saartay Wasaarada Amniga Xukuumadda Soomaaliya.
Gudoomiye ku- xigeenka 1-aad ee baarlamaanka, C/weli Sheekh Ibrahim Muudeey ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in ciidamada ammaanku ay ku xad-gudbaan Xildhibaanada sharafta leh ee Soomaaliyeed.
Dhanka kale C/weli Muudeey oo ka hor hadlaayay baarlamaanka ayaa xusay in dhibaato waliba oo loo geysto xildhibaannada wax laga weydiin doono Wasaarada Amniga iyo Taliyayaasha Hay’adaha Ammaanka Dowladda.
Ugu dambeyn, Dacwadda Xildhibaannada ayaa ka dambeysay markii ciidamo ka tirsan xasilinta Muqdisho ay hub ka dhigis ku sameeyeen Qaar ka mid ah ilaalada Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
PUNTLAND POST